Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo udhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Kulan ka dhacay habeen hore aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Ra”iisul Wasaare Saacid waxaa looga dalbaday inuu soo gudbiyo warqadiisa iscasilaada, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha xilligaasi uusan bixin jawaab rasmi ah, laakiin uu sicad mardambe usheegay inuusan iscasileyn.
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Idaacada BBC-da usheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu diiday iscasilaada uu ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena sheegay in ilaa iyo iminka aan la ogeyn waxa uu salka ku haayo khilaafka labada masuul.
Xildhibaan Nuur Faarax oo kamid ah Baarlamaanka dalka ayaa K24 usheegay in khilaafka uu la xiriiro arimo ku aadan isbedelka xukuumadda, maadaama Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay ku kala aragti duwan yihiin isbedelka Xukuumadda.
Badi khilaafka ayaa salka ku haaya inuu meesha baneeyo Ra’iisul Wasaare Saacid, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu si adag udiiday inuu iscasilayo.
Dowladihii dalka soomaray ayaa madaxdooda waxaa ragaadiyay khilaafka dhexdooda ah, iyadoo Dowladdan cusub ee Soomaaliya dadka ay ka qabeen rajo wanaagsan oo ku aadan in madaxda uusan khilaaf ka dhaxeyn balse hada uu soo ifbaxay khilaafkii ugu xooganaa ee madaxda dalka udhaxeysa.