Soomaali Weerarkii West-Gate Loo Haysto Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Nairobi(Sawiro)

0

_maxkamad_nairobi_3Nairobi(AGGM) Afar dhalinyaro Soomaali ah ayaa la horkeenay maxkamad ku taal Nairobi iyagoo loo haysto inay taageereen weerarkii lagu qaaday Westgate Shopping Mall.

Illaa iyo 67 ruux ayaa lagu dilay markii dabley ururka Alshabaab ka tirsan ay gudaha u galeen Westgate Mall September 21keedii burbur xoog lehna uu ka dhashay weerarkaas.

Dhalinyaradan loo haysto inay xiriir la lahaayeen kooxdii weerartay Westgate ayaa waxa ay kala yihiin Hussein Mustafa Hassan, Adan Mohamed Ibrahim, Liban Abdulle Omar iyo Abdi Mohamed Ahmed waxayna dhammaantood sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn weerarkii Westgate.

Dhalinyaradan ayaa sidoo kale loo haystaa inay ku soo galeen sharci darro dalka Kenya ayna haysteen dukumintiyo been abuur ah.

Dhalinyaradan ayaa weli xabsiga lagu sii hayn doonaa iyagoo aan haysan wax qareeno ah oo u dooda. Waxaana la go’aamiyay in toddobaad kale ay ku sii jiraan xabsiga inta baaritaano dheeraad ah laga helayo.

Interpol ayaa waxa ay ka caawinayaan dowlada Kenya sidii loo aqoonsan lahaa meydadka afar ruux oo la tuhunsan yahay inay ahaayeen kooxdii weerartay Westgate.

Illaa afartan ruux oo marqaatiyaal ah ayaa la horkeenay maxkamada kuwaa oo ka sheekeeyay sidii ay gudaha u galeen kooxdii weerartay xaruntii ganacsiga iyo sida ay rasaasta ugu fureen bambooyinkana ugu qarxiyeen.

Dhalinyaradan ayaa waxaa qaarkood laga soo qabtay xerada ku taal Waqooyi Bari Kenya ee Kakuma oo ay ku jiraan illaa iyo 125,000 oo qaxooti ah.Maxkamada ayaa waxaa ay u diiday dhalinyaradan loo haysto dambiyada ah kaalmeynta ururka Alshabaab in damiin lagu sii daayo. Dhagaysiga dacwadan ayaa dib loogu dhigay illaa iyo 15 Janaayo 2014.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

_maxkamad_nairobi_1_maxkamad_nairobi_2_maxkamad_nairobi_5_maxkamad_nairobi_3