Dhagayso:- Col, Warfaa Sheekh Aadan oo been abuur ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Wasiir Fiqi

0

Muqdisho (AGGM): Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C.xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa dhawaan sheegay Ciidamadda dowladda ee ku sugan deeganada gobolka Gedo inay siiyeen Mushaaraadkoodii, waxaana warkaasi beeniyay Col, Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Ceelwaaq.

Warfaa sheegay Ciidamadda dowladda ee ku sugan deeganadaasi inaysan helin wax mushaar ah, wuxuuna xusay Ciidamadooda mudo ka badan 6 biloow dhinaca dowladda Soomaaliya wax mushaar ah inaysan ka qaadan.

Sidoo kale wuxuu beeniyay Wararka sheegaya in Ciidanka ay mushaar qaateen, wuxuuna xusay mudo dhowr bilood laga joogo oo dowladda Soomaaliya ay muqdisho ugu tageen inay siisay Mushaar balse wixii xiligaasi ka danbeeyay aysan qaadan mushaaraad.

Warfaa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com