Ku Simihii Danjiraha Safaarada Soomaaliya Ee Britain Oo Ku Geeriyooday Qarixii Xalay.

0

Cabduqaadir_DhuubMuqdisho (AGGM): Alle ha u naxariisteen waxaa xalay ku geeriyooday qaraxii ka dhacay hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho C/qaadir Aadan Cali [Dhuub] oo ahaa ku-simihii safaarada Soomaaliya ee magaalada London.

Marxuum-ka ayaa dowladdii ku-meel-gaarka aheyd u magacowady inuu isku xiraha dowladda Soomaaliya iyo dowladda Ingisriiska; isagoo dhanka kalena ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee jaaliyadda Soomaalida-UK; isagoo xafiis ku lahaa galbeedka London.

Marxuumka waxaa kaloo uu noqday ku-simaha safiirka Soomaaliya ee dalka Britain ka hor intaan lasoo magcaabin xilkaas, danjire Sambalooshe oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Britain.

Geeridiisa waxaa siweyn uga naxay marxuumka mas’uuliyiinta wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Britain, madaama uu horay u soo noqday guddoomiyihiin Jaaliyada Soomaalida ee UK.

Cabdiqaadir Dhuub ayaa wuxuu ahaa mas’uul si aad ah ugu ololeyn jiray soo soo dhaweynta madaxda dalka marka ay booqanayaan ingiriiska, iyadoo aad loogu xusuusto dabci wanaagsan iyo akhlaaq suuban oo uu dadka oo dhan nool kula dhaqmi jiray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com