Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay xiliga Golaha Shacabka la horkeenayo Miisaaniyadda dalka ee Sanadka soo socda 2014ka iyo dar dargelinta howlaha Baarlamaanka horyaalla.
Kulanka maanta gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayadoo kulankana ay soo xadireen dhammaanba gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, waxaana kulankii maanta ay gudiyadu uga hadleen arrimmo ay ugu horeyso codsi uu Wasiirka Maalliyadda usoo jeediyey Baarlamaanka oo la xiriirta in dib loogu dhigo xiliga ay Xukuumaddu, Golaha Shacabka horkeeneyso miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka gudiyada joogtada ah marka uu soo gebagebeebay la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gudiyada joogtada ah ay kulankooda uga hadleen sidoo kale shuruucda xiligan hortaala baarlamaanka iyo sida loosoo kala horumarinayo, ayadoo guddida joogtada ah ay sidoo kale ka hadleen miisaaniyadda Baarlamaanka.
Guddida joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa todobaadkiiba ugu yaraan yeesha laba kulan kuwaasi oo ay uga arinsadaan dar dargelinta howlaha Baarlamaanka iyo qorshayaasha Golaha Shacabka horyaala.