Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum C/kariin Muuse Cilmi Maxamed Ciise (Maareey).

0

tacsi1Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun,Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/11/2013 ku geeriyooday magaalada Darmstad ee dalka Jarmalka Allaha U Naxariistee Marxuum C/kariin Muuse Cilmi (Maareey) .

Dhamaan bahweynta Allgalgaduud Media, maamulka iyo shaqaalaha Anaga oo ka tiiraanyonayna geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum C/kariin Muuse Cilmi (Maareey), waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Muuse Cilmi Maxamed Ciise, gaar ahaana Hooyo Nadiifo Sheekh C/llaahi Feerayare, Maxamed C/kariin Muuse, C/qaadir C/kariin Muuse, Xasan C/kariin Muuse, Xaawo Keyf C/kariin Muuse, Muna C/kariin Muuse iyo Amina C/kariin Muuse waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum C/kariin Muuse Cilmi (Maareey), waxaan kaloo Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum C/kariin Muuse Cilmi (Maareey) janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Waxaa Sidoo kale dhambaalkan mid la mid ah diraya.

Reer Maxamed Ugaas Aaden Xaashi

Reer Ismaaciil Aw Maxamuud Iyo Hooyadood Khadiijo Cilmi Cali.

Reer Aw Maxamuud Maxamed Ciise

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com