War Deg Deg Ah: Qarax Ka Dhacay Hotel Maka Al Mukarama Hortiisa Ee Magaalada Muqdisho.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Qarax xoogan oo ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, iyadoo qaraxan weyn uu ku soo beegmay saacad kadib markii qarax yar uu gudaha Hotelka ka dhex dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya gawaari badan oo banaanka Hotelka tiil uu saameeyay qaraxa, waxaana kala cadeyn in qaraxa uu ahaa mid is miidaamin ah iyo in gaariga la dhigay Laamiga dhinaciisa.

Qaraxan ayaa dhacay abaarihii 7:15 fiidnimo xilliga Muqdisho, iyadoo cirka isku shareertay uuro iyo holac, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro qasaare kala duwan oo aan wali kala cadeyn.

Gawaarida Ambalaaska ayaa goor dhow gaaray goobta qaraxa ka dhaceen, si ay u soo qaadaan dad ku waxyeeloobay qaraxa.

Dad Ganacsi ku lahaa Wadada Maka Al-Mukarama ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo saameeyay gebi ahaanba wadada Maka Al-Mukarama.

Ciidamada ammaanka ayaa goor sii horeysay qabtay nin dhalinyaro ah oo looga shakiyay inuu is qarxin lahaa, kadib Laptop uu watay ay wax ka qarxeen, xilli uu ku guda jiro Hotelka Maka Al-Mukarama qeybta maqaaxida.

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha dhabta ah ee ka dhacay goobta, xilli banaanba Hotelka ay ciidamo ku sugnaayeen, isla markaana wadada maka al-mukarama ay marayeen gawaari.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com