Wafdi Kormeeraya Deegaanka Xananbuure Oo Ay Dad Ku Dishay Miino.

0

top-newsDhuusamareeb (AGGM): Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Galgaduud Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame ayaa maanta gaaray deegaanka Xanan-buure oo hoos taga degmada Dhuusamarreeb oo shalay ay ku dhinteen labo qof, mid kalena uu ku dhaawacmay kaddib markii ay miino ku qaraxday.

Hay’adaha mina-baarista ee Danish Demining Group (DDG) iyo Main Action oo qeyb ka ah wafdiga ayaa billaabay inay miino-baaris ka sameeyaan goobta uu shalay ka dhacay qaraxa.

Cabdixakiim Cabdullaahi ayaa sheegay in qeybo ka tirsan gobolka ay miinooyin ku aasan yihiin, sidaa darteed in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii miinooyinkaasi loo saari lahaa.

Guddoomiyaha deegaanka Xanan-buure Ceydiid Maxamuud Cosoble ayaa tilmaamay inay tahay markii lixaad oo waxyaabo qarxa ay dhibaato u geystaan dadka deegaanka.

Wuxuu u soo jeediyay maamulka gobolka iyo dowladda federaalka ah inay wax ka qabtaan miinooyinka ku jira deegaannada gobolka, gaar ahaan Xanan-buure, isagoo ballan-qaaday inay sugi doonaan ammaanka hay’adaha baaraya miinada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com