Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Dhaliilay Dhaqaatiirta Caafimaadka Ee Magaalada Muqdisho.

0

tarsan-duqa-muqdishoMuqdisho (AGGM): Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in caqabadaha dhinaca Caafimaadka ah ee dalka ka jira ay ugu horeeyaan waxyeelo uu sheegay in Umada Soomaaliyeed ay ku hayaan Qaadka, Tayo la’aanta dawooyinka dalka la keeno iyo sidoo kale Dhakhaatiir uu ku tilmaamay Guddoomiyaha in yihiin kuwa aan aqoon laheyn balse sida dukaamada ganacsiga u furtay xarumo Caafimaad oo ay wax ku dabiibaaan.

Tarsan ayaa khubarada iyo aqoonyahanada kaqeyb galaya Shirka Caafimaadka dalka ka socda ka dalbaday inay u kuur galaan arimahaasi oo idil, waxa uuna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sheegay in hadii aan wax laga qaban Qaadka, Tayo la’aanta dawooyinka iyo dhakhaatiirta uu ku sheegay inay si ganacsi ahaan u shaqeeyaan dalka uusan heleyn Caafimaad dhameystiran, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Shir looga hadlayo Caafimaadka dalka ee Maalinimadii Shalay Muqdisho ka furmay, kaa oo socon doona mudo sadex Cisho ah.

Somaaliya ayaa dhibaatada caafimaadka ka jirta waxaa sabab looga dhigay dhowr arimood, taasi oo nuxurkeeda salka ku haysa Bur-burkii dalka ka jiray mudadadii 20-sano aheyd, laakiin Soomaaliya ayaa hada 22-sano kadib waxa ay laabeysa buugii mugdiga ahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com