Muqdisho (AGGM): Ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasimaha guud ee Waxbarashada Wasaarada Adeega Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaarada ay dhawaan dib u howlgelin doonto Maktabadii Qaranka oo mudadii burburka dalka aheyd mid la deegaansaday, waxa uuna tilmaamay in iminka uu socdo baneyntii xarunta Maktabada Qaranka oo uu xusay in laga saarayo dadkii deegaansaday mudadii burburka, isgoona sheegay in dib u howlgelinta Maktabada ay faa’iido weyn u yeelaneyso ardayda Soomaaliyeed.
Agaasimaha Waxbarashada ee Wasaarada Adeega Bulshada ayaa ka dalbaday Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha iyo Dugsiyada ku yaala dalka inay horumariyaan Aqoontooda si buu yiri Mustaqbal Wanaagsan ay u hiigsadaan.
Ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasimaha Waxbarashada Wasaarada Adeega Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad lagu soo bandhigayay buug laga sameeyay cilmi baaris ku saabsan kobaca dhaqaalaha kaluumaysiga dalka, oo uu sameeyay mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Magaalada Muqdisho.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com