Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Saacid Ayaa Xalay Hoygiisa Casho Sharaf Ugu Sameeyey Hogaamiyaha Maamulka KMG Ah Ee Jubba.

0

_DSC0340Muqdisho, 08, Nov.2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey hoygiisa Hogaamiyaha KMG ah ee Maamulaka Juba Sheikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Cashada ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Xubno ka socda mamula Gobolka Banaadir, iyo Qaar ka tirsan Safiirada Soomaaliya u Fadhiya caalamka.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku aamaany Hogaamiyaha Juba go’aankiisii geesinimada lahaa ee ay ku qaateen heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhabaha u xaaraya in dadka Jubooyinku ay nabad ku wada noolaadaan.

“Runtii heshiiskii shalay waxaa uu ahaa mid taariikhda ka galay baal dahab ah, una horseedi doona in Soomaalidu arrimaheeda ku xalisato dalka gudihiisa, wuxuuna heshiiskaas dhiiri galinayaan dib-u-heshiisiin guud oo laga sameeyo dhamaan gobolada dalka, taas oo ay Xukuumaddu siinayso ahmiyad gooni ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasare Saacid

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayaa dadaal dheeraad ah u galay sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa khilaadkii ku dhex jiray dadka Jubooyinka, taas oo muujinaysa niyad samida ay u hayso dowladdu in Soomaaliya ay ka dhacdo dib-u-hishiisiin dhex marta dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo colaado iyo kala qob-qobnaan ku jiray in ka badan 22 sano.

_DSC0340

_DSC0316_Fotor

_DSC0364 _DSC0363 _DSC0362 _DSC0339 _DSC0334 _DSC0348 _DSC0332 _DSC0330

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com