Ciidamada Kenya Oo Shacabka Jubbooyinka Iyo Gedo Uga Digay Inay Ka Ag Dhowaadaan Xarumaha Al Shabaab.

0

ChirchirNairobi (AGGM): Ciidanka Kenya ayaa uga digay shacabka ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo inay ka ag dhowaadaan xarumaha maleeshiyada Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka milateriga Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa barta uu ku leeyahay Twitter wuxuu ku bidhaamiyay suurta-galnimada weerarro cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaan waydiisaneynaa dadka fiican ee Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose inay ka fogaadaan xerooyinka iyo jid-gooyooyinka Al-Shabaab,” ayuu yiri Emmanuel Chirchir

Major Chirchir waxa uu diiday inuu bixiyo faahfaahin mar ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Tan iyo muddadii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysatay xarun laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Nairobi bishii September, Kenya waxay kordhisay weerrrada cirka ee ay ka geysaneyso koonfurta Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com