Cali Dheere “Shirka Jubbooyinka Ee Magaalada Muqdisho Dano Gaar Ah Ayaa Laga Lahaa”.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Afhayeenka maleeshiyada kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in shirkii maalin ka hor ku soo dhamaaday magaalad Muqdisho ee beelaha Jubbooyinka ayaa shir ujeedo gaar ah laga lahaa.

Cali Dheere ayaa sheegay in shirkaasi uusan aheyn shir Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay islamarkaana dano-gaar ah ka lahaayeen dowladdaha dariska ah, gaar ahaan sida u u hadalka u dhigay dowladda Itoobiya oo shirka gar-wadeen ka aheyd,.

“Shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho lagu soo gabgabeeyay wuxuu ahaa mid laga leeyahay dano gaar ah, mana jirto cid ku dagaalsan Jubbooyinka,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray: “Wixii Kismaayo ku dagaalamay waxay ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo, mana jirin shacab dagaalamay.”

Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaa raaciyay in qodobbadii kasoo baxay shirkaas ay yihiin kuwo la mid ah kuwii horay uga soo baxay shirkii Addis Ababa ay ku gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

“Wuxuu shirkan ahaa mid ay gardaadinaysay dowladda Itoobiya, waxaana aan ku tilmaami karnaa inuu yahay fikir laga soo koobiyeeyay Itoobiya oo innaga baasti nalagu yiri,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenk Al-shabaab.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka.

Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa imaanaya xilli shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka lagu soo gabgabeeyay Muqdisho maalin ka hor, qodobbadii ka soo baxayna ay ka mid ahaayeen in Al-shabaab laga saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobolladaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com