Saraakiisha Gobolka Gedo Oo Sheegay Inay Diyaariyeen Ciidami La Wareegi Lahaa Degmooyinka Baardheere Iyo Buurdhuubo.

0

Garbahaarey1Garbahaarey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in la dhameeystiray dhamaan ciidamadi la waregi lahaa gacan ku heeynta deegmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda isaga oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Gedo ayaa waxa auu sheegay inay diyaariyeen dhamaan ciidamadi la wareegi lahaa gacan ku heeynta magaalooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Sarkaalka ayaa waxa kale oo uu sheegay in dhamaan ciidamada hadda leeysugu keenay magaalada Garbahaareey inta dhimana ay jidka kusoo jiraan, dhawaana ay fooda saari doonaan dhanka magaalooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Magaalooyinka Baardheere iyo Buudhuubo ayaa waxaa in mudo ah ay ku jireen gacanta falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Isku soo duuboo saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka gedo ayaa dhoowr jeer oo horena ka dhawaajiyay inay la wareegayaan gacan ku heynta deegaanada gacanta ay ku hayaan falaagada Al Shabaab ee gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com