Miino Laba Ruux Ku Dishay Deegaanka Xananbuure Ee Gobolka Galgaduud.

0

Qaraxii_Ismiidaaminta_-ahaa_2Xananbuure (AGGM): Labo qof ayaa ku dhimatay mid kalena wuu ku dhaawacmay miino maanta la qaraxday gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan Dhaynaha ah, oo ka ambabaxay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kuna sii jeeday deegaanka Mareerguur ee isla gobolkaas.

Guddoomiyaha deegaanka Xananbuure Ceydiid Maxamuud Cosoble oo la soo xiriiray Warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo sheegay in gaariga ay miinada la kacday ay saarnaayeen dad iyo agab kala duwan.

Wuxuu ka codsaday hay’adaha miino-baarista ku shaqada leh in ay gacan ka geystaan sidii deegaannada gobolka looga saari lahaa haraadiga waxyaabaha qarxa.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxay qaraxyo ka dhashay miinooyin u sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com