Muqdisho (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa dowlada federaalka iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeyay marti galinta shirweyinihii dib u heshiisiinta shacabka jubbooyinka ee guusha ku soo dhamaaday
Annadif ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay qabashada shirkaasi,isagoo sheegay in shacabka soomaaliyeed ay mar kale muujiyeen sida xoogan oo ay uga go,antahay nabad iyo dib u heshiisiin ka dhacda dalkooda.
Ambassador Annadif ayaa intaasi ku daray in shirka shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho uu qeyb ka ahaa hirgalinta heshiiskii Adis Ababa lagu soo gaaray 28kii bishii August,isagoo sheegay in shirka looga dooday qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabad dhisidda,dib u heshiisiinta,ammaanka, iyo arrimaha bulshada.
“Hishiiskii Addis Ababa waxa uu ahaa talaabo horey loogu qaaday dib u heshiisiin qaran,nabad iyo deganaasha ka dhacda Soomaaliya”Ayuu yiri Ambassador Annadif
Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku farxay in ergadii ka qeyb galeysay shirka ay ka doodeen qodobo muhiim u ah dib u dhiska nabadda iyo dadaalka dib u heshiisiineed ee ka socda gobollada jubbooyinka,waxana ka mid ahaa qodobada ay ka doodeen ammaanka,isku daridda maleeshiyaadka hubeeysan,la dagaalanka argagixisada,dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in midowga afrika qaasatan AMISOM ay taageeri doonaan dhaqan galinta talooyinkii ka soo baxay shirkaasi.” Ayuu yiri Ambassador Annadif.
Ergeyga midowgga Africa ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay dhiiri galisay jawiga uu ku socda shirka iyo ergadii ka qeyb galeeysay shirka oo loo ogolaaday in ay si furan uga doodaan arrimaha jira si xal waara looga gaaro nabad ka dhalata jubbooyinka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com