Jowhar (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in markale ay Dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed dib uga soo cusboonaaday duhurnimadii maanta duleedka bari ee magaalada Jowhar, iyadoo dagaaladan ay ka xoogan yihiin kuwii shalay.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa ka socda Tuulooyinka Geeda-Barkaan, Timire iyo Gaafay oo ah deegaano isa saaran, waxaana degmada Jowhar laga maqlayaa hubka culus ee la is weydaarsanayo.
Goob joogayaal ku sugan xaafada Buula sheekh ee degmada Jowhar ayaa Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho u sheegay inay meel aad u fog ka arkayeen qiic iyo uuro, waxaana jira warar sheegaya in tuulooyin la gubay.
“Waxaan maqleynaa hub culus, sida qoriga Baasuukaha, daba jeexa iyo qoryaha fudud, magaalada oo dhan ayaa laga maqayaa”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Xaafada Horseed oo la yiraahdo Cabdi Cali.
Waxaa la soo warinayaa inay jiraan gurmadyo labada dhinac kala gaarayay, kuwaasoo uga imaanaya deegaanada waqooyiga bari Jowhar oo ay beelahan wada degaan.
Baaqyo ka soo baxaya Maamulka Gobolka, qeybaha bulshada iyo odayaasha dhaqanka ayaa waxay u muuqdaan kuwo aan baajin karin colaada labada beelood u dhaxeysa oo ku sii xoogeysa deegaanada bari Jowhar.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Jowhar ayaan wali kala dhex gelin maleeshiyaadka ku dagaalamaya meel qiyaastii Jowhar u jirta 8-KM, mana muuqato ilaa iyo iminka tallaabo ay qaadeen.
Lama oga qasaaraha uu geysanayo dagaalka maalintii labaad ka socda deegaanada waqooyi bari Jowhar oo u dhaxeeya beelo halkaas wada dega, kadib markii dagaal dad badan ku dhinteen uu shalay halkaas ka dhacay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com