Muqdisho (AGGM): Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay si weyn ugu taageereen dadaalka dowlada Soomaaliya ay ku doonayso in isbedelo badan lagu sameeyo nidaamyada maamul ee dalka.
Kulankan ay isugu yimaadeen mudanayaal ka tirsan Baarlamanka ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay u taageersanyihiin dadaalka dowalda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso isbedelo dhinacyo badan leh in lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya.
Xildhibaannada kala ah Maxamed Maxamuud Xeyd, Xildhibaan Ibraahin Saalax, Tahliil Cabdi Maxamed iyo Cabdullaahi Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho kulanka kadib ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qorshayaasha dowlada ay ku dooneyso isbelo ay ku sameyso maamulada dalka, iyagoo ka codsaday dowlada iney sii kordhiso dadaaladeeda ku aadan dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta gobolada.
Mudanayaasha ayaa ku amaanay madaxweynaha iyo R/wasaaraha sida ay uga dhabeeyeen balanqaadyadoodii ahaa in Shan Beelood oo siman wax lagu qaayo.
Dhamaan xildhibaannadii goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in ay si wada jir ah gacmaha isu qabsadaan iyagoo madaxda qaranka ku amaanay dadaalka xoogan oo ay u galeen sidii meesha looga saari lahaa dhibaatooyinkii dalka soo maray.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com