Shirki Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo La Soo Gaba-gabeeyay.

0

QORAXMuqdisho (AGGM): Shirkii Dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Nabad sugida qaranka ee Gurigii Habar Khadiijo, iyadoo xaflada saxiixa uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya.

Intii ay socotay munaasabada saxiixa heshiiska ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan ka imaanayay qaar ka mid ah ergooyinka oo diidanaa in xubnaha inta aas la eg ay saxiixaan heshiiska, iyagoo ka cabanayay in qaarkood ay isku beelo ahaayeen, taasna ay u cuntami karin, isla markaana hadii awood qeybsi timaado ay iyaga meesha ka baxayaan.

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa intii uu khudbada waday lagu buuqayay, waxaana isaga iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ay isku dayeen inay qanciyaan ergooyinka ka yimid Kismaayo oo mar ka baxay shirka.

Shirkan ayaa waxaa saxiixay min lix xubnood oo isugu jiray ergooyinkii ka yimid Kismaayo, kuwii Muqdisho kaga biiray shirka ee ahaa wakiilada dhinacyadii horay ugu dagaalamay Kismaayo, waxaana sidoo kale saxiixay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo heshiiska kormeer ahaan u saxiixay.

Qodobada heshiiska oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa in la sii ambaqaado heshiiskii Addis Ababa in dib u heshiisiin dhab ah laga sameeyo beelaha Jubooyinka, in maleeshiyaadka ku sugan duleedka Kismaayo la sooxareeyo, lana qarameeyo iyo kuwa kale.

Shirka Dib u Heshiisiinta ee mudada saddex maalmood ka socday magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn la soo xiray, iyadoo khudbadii u dambeysay uu ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Filo Dhawaan Warsaxaafadeedka Iyo Qodobada Heshiiska.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com