Muqdisho (AGGM): Ururka falaagada Al Shabab ayaa faah-faahin ka bixiyay weeraro dagaal oo ay ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM ay ku kala leeyihiin Magalooyinka Beladweyne iyo Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka falaagada Al-Shabaab Horjooge C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Magaalada Baledweyne gaar ahaan galbeedka Magaalada uu ahaa mid ay la eegteen fariisin ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.
Dagaalka ayuu sheegay inuu ahaa mid xoogan oo ciidanka Jabuuti ay heli waayeen gurmad uga yimaadaa Magaalada Beladweyne, maadaama sida uu sheegay ay ka xireen dhinacii gurmadka uu uga imaanaye.
Weerar kaloo dagaal ayuu sheegay Horjooge Abuu Muscab inay ku qaadeen fariisinka ciidanka AMISOM ee Magaalada Kismaayo, halkaasina khasaaro hantiyadeed uu kusoo gaaray ciidamada Kenyatiga ee ay weerarka la egteen.
Falaagada Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobalada dalka Soomaaliya.
Majirto saraakiisha AMISOM wax war ah oo kasoo baxay, kaasi oo ku aadan dagaalka ay falaagada Al-Shabaab sheegeen inay ku qaadeen fariisinkooda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com