Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaaraha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya.

0

IMG_5673Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, waxaana labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta xariirka dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa geeska Afrika.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay gabagabada kulankan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kala hadlay Wasiirka iskaashiga labada dal, gaar ahaana arrimaha Amniga iyo siyaasada.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Saacid uu uga mahadceliyay dawladda Itoobiya dadaalkeeda ku aadan nabadeynta iyo xasilinta dalka, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay kaalintooda ciidan iyo taageerada la dagaalanka argagixisada.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlayay kulanka ayaa xusay in dawladda Itoobiya ay mar kasta ka go’antahay garab istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo jawi isu soo dhowaansho iyo nabad ku wada noolaansho.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa u gudbay ka qeybgalka munaasabadda gabagabada shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka, halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad ku adan aragtida dawladdiisa ee nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

IMG_5639

IMG_5673

IMG_5650

IMG_5664 IMG_5660 IMG_5657

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com