Furitaanka Machadka Cusub ee SIPOSS ayaa maanta loogu qabtay Muqdisho munaasabad balaaran oo lagu daahfurayay waxaana kasoo qayb galay siyaasiyiin Miisaan ku leh deeganada Jubbooyinka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Dr Axmed Faarax Ducaale, Prof Cali Khaliif Galayr, iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa ka dhex muuqday munaasabada maanta waxaana furitaankii hadalo ka jeediyay Masuuliyiinta Machadka kuwaasoo dadka uga warbixiyay ujeedka Machadka loo furay.