Muqdisho (AGGM): Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa 2-sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada xooga dalka, kadib markii lagu soo eedeeyay amar diido iyo inuu u gacan qaaday Taliye sare.
Afhayeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida C/llaahi Muuse Keyse ayaa sheegay in Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Xuseen (Kala Foge) oo ah G/sare ka tirsan Taliska Ururka guud ee Ciidanka xooga dalka uu sameeyay amar diido.
“Eedeysane G/sare Maxamed Yuusuf Xuseen (Kala Foge) waxaa lagu soo eedeeyay inuu amar diido cad ku sameeyay madaxdii ka sareysay gacan qaad u geystay Sareeye guuto C/llaahi Xaaji Maxamed Ceynte oo ah Madaxa hogaanka ciidanka xooga dalka, waxaa lagu xukumay labo sano xabsi ciidan ah”ayuu yiri Afhayeenka Maxkamada ciidanka xooga dalka.
Waxaa uu sheegay inay ka xayuubiyeen darajadii uu heystay ee aheyd G/sare, isla markaana mudada labada sano ee uu xabsiga ku soo qaato kadib aanu shaqo ciidanimo qaban doonin sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in sharciga ciidanka xooga dalka u degsan uu yahay in la dhowro awaamiirta madaxda kala sareysa, iyo dishibiliinka ciidanka, isagoo xusay in Sarkaalkan loo cuskaday ciqaabta u taal ciidanka xooga dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com