Waxgarad Iyo Siyaasiyiin Si Kulul Uga Hadlay Shirka Muqdisho Ka Furmay.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Waxgarad u hadlay beelo Soomaaliyeed ayaa si xooggan u qaadacay shirka maanta Muqdisho ka furay, ee looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka, waxaana waxgaradkan oo Muqdisho ku shiray ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan in masiirka gobolada Jubbooyinka loo afduubo Axmed Madoobe & kooxdiisa, iyadoo ay jiraan beelo Soomaaliyeed oo deegaanadaasi si xoogan u dagan, haddana shirkaasi bannaanka ka jooga.

Xubnahan oo ay ku jiraan Xildhibanno ka soo jeeda beelahaasi ayaa si caro leh uga hadlay shirka, waxaana ay sheegeen in qorshe kasta oo si cadaalad darro ah loo yagleelo aaney waxba ka soconeyn, waxaana shir jraaķd oo ay qabteen ay sheegeen in beelaha Gaaljecel, Shiikhaal, Mareexaan, Jareerweyne & Digil & Mirifle ay si buuxda u qaadacayaan shirkaasi.

Cabdullaahi Xassan Shire oo ka mid ah waxgarad shirkaasi u matalayey beesha Mareexaan ayaa sheegay in gabi-ahaanba ay qaadacayaan shirkaasi, haddii aan laga qeybgelineyn beelaha Soomaaliyeed ee wada dagan gobolka.

“Beesha Mareexaan waxaan leeyahay wixii aad ka dagaalameyseen ayaad hoos tagteen, Soomaalinimo ayaad u dirireyseen shalay, maanta waxey u muuqataa inaad ogolaateen Kenya in ay gumeysato Soomaali, maanta fursad waxaad u haystaan in shirkaasi oo ka dhacaya meel aysan Kenya idinku gumeysaneyn inaad isku raacdaan mowqif taariikhi ah, waxaana la idinkaga baahan yahay inaad mowqifkiina shirkaasi ka caddeysaan“ ayuu yiri Cabdullaahi Xassan Shire.

Malaaq Nuur oo ka mid ah odayaasha beelaha Digil & Mirifle, ayaa sheegay in kulan odayaal ka tirsan Digil & Mirifle Kismaayo kula yeesheen Fartaag oo madaxweyne ku-xigeen ka ah maamulka Jubbooyinka, in ihaano & aflagaado loogu geystay beelaha D&M kadib markii Fartaag uu ku tilmaamay kuwa laga tiro badan yahay (minority).

“Dadka gobolada Jubbooyinka ma qaadan karaan in ay gobolkooda marti ugu noqdaan nin ka yimid Jiga-Jiga & Qoraxeey“ ayuu yiri Malaaq Nuur, wuxuuna intaa ku daray in magaalada Kismaayo in ay wada dagaan beelo Soomaaliyeed, wuxuuna hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni ku tilmaamay nin Kenyaanka u hoosgalay in ay Jubbooyinka ku wareejiyaan.

“Nin Shabaab u shaqeynayey oo markii ay soo tufeen Kenya hoos-galay oo ciidamo Kenyaan ah ay ilaalo ka hayaan ma hantiyi karo gobolkaasi“ ayuu Malaaq Nuur.

Ilyaas Cali oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Gaaljecel wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dowladdu ay ka fiirsato aqoonsiga ay siineyso mid ka mid ah dhinacyada gobolkaasi isku haya.

“Beelaha gobolka hareerihiisa degan, ee gobolka quudiya waa beelaha Gaaljecel & Shiikhaal, gobolkaasi waxa laga cuno waxaa keena beelahaas, iyagiina waxaa la yiri gobolka waxaad ka tihiin marti, cadaalad darrada intaas laég ma jirto cid laga aqbali karo“ ayuu yiri Xassan Cali oo ka mid ah waxgaradkii kulankaasi ka hadlay, isaga oo intaasi ku daray in magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com