Dagaal U Dhexeeya Dadka Deegaanka Iyo New Booliiska Itoobiya Oo Ka Dhacay Deegaanka Ismadhaqdo.

0

dagaal culusFadhigaraadle (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya deegaanka Fadhigaraadle ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka iyo ciidamo New Boliiska Itoobiya ku dagaalameen shalay deegaanka Ismadhaqdo oo Fadhigaraadle ka jirta dhinaca koofur galbeed halka ay Shilaabana ay ka jirto dhinaca koofur bari.

Dagaalkan oo leeysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu socda mudo lagu sheegay 6 saacadood.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dadka deegaanka Ismadhaqdo ay ciidamada New Boliiska ah ee weerarka ku soo qaaday ay kaga dileen dagaalka laba kamid ahaa ciidamada new Boliiska, halka dadka deegaankana uu kaga dhintay dagaalkaas hal ruux.

New Boliiska Itoobiya ayaa waxa caado u ah inay weeraraan dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyaga oo huwan shaarka dowladda Itoobiya, waxaana aalaaba dhacda in dadka deegaanka ay iska caabiyaan weerarada uga imaanaya ciidamada New Boliiska Itoobiya.

Waxaa maanta kacsan xaalada deegaanka Ismadhaqdo iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow, waxaana jira warar sheegaya inay labada dhinac ee dagaalamay ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo gurmadyo kasoo kala gaaraya deegaanada u dhow dhow deegaanka Ismadhaqdo.

Isku soo wada duuboo ma ay aha marki ugu horeeysay ee ay ciidamada New Booliiska Itoobiya weerar ku qaadaan dadka deegaanadaas, mana ay jiraan cid wax ka qabata weerarada gardarada ah ee ciidamada New Booliiska ku qaadaan deegaanada Ismamaulka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com