Muqdisho (AGGM): Dowlada Japan ayaa ugu deeqday ciidamada Booliska Soomaaliyeed jaakadaha xabadaha la isaga difaaco.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jenaraal C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) ayaa sheegay in qalabkan la guddoonsiiyay ciidanka booliska soomaaliyeed uu gaarayo kun xabo oo ah jaakadaha la isaga difaaco xabadda.
Generaal C/xakiin Saacid ayaa waxa uu ugaga mahadceliyay deeqdan dowlada Japan isagoo sheegay in aysan markii u horeeysay oo deeq soo gaarsiiso booliska soomaaliyeed ayna garab taagantahay dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la howlgaliyay lambarka Deg-dega ah ee 888 kaasoo ah lambar ay dadku ku kula soo xiriiri karaan ciidamada Booliska.
Dowlada Japan ayaa hore waxa ay u soo gaarsiisay ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaadiid ay isticmaalaan ciidanka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com