Xubnaha Joogtada Golaha Ammaanka Ee Q.M Oo Ka Dooday Kordhinta Ciidamada AMISOM.

0

golaha ammaankaNew York (AGGM): Shan iyo tobanka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka doodaya talo soo jeedin ku aadan in la kordhiyo Ciidamada howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo shirkaasi ay Khudbad ka jeedisay Ra’iul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo la hadashay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay shirka iyo khudbada ay ka jeedisay, iyadoo sheegtay in shirkaasi la isku raacay in la tayeeyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo laga taageero waxyaabaha muhiimka u ah, islamarkaana lagu kordhiyo Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya 6000 oo askari,si dalka looga saaro caqabadaha dhinaca ammaanka ku saleysan.

“ imaanshiyaheyga New York waxay tahay in aan kala doodo xubnaha golaha ammaanka taageerada Soomaaliya, anigoo la kulmay inta badan xubnahaasi oo aan kala sheekeystay xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sida loogu baahanyahay taageero siinta Soomaaliya, sidoo kale waxaan kala hadlay in Ciidamada Soomaaliyeed ay helaan marka ay dhaawacmaan diyaarado suura galiya in si fufud dhaawacyadooda loo qaado, waxaana rajo wanaagsan ay ka muujisay in waxyaabaha halkaasi ay u tagtay ay ku guuleysan doonto” ayay tiri Fowsiya.

Wasiiradda arrimaha dibadda ahna Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay ka hadashay waxyaabaha u qabsoomay intii xafiiskani ay joogtay, iyadoo sheegtay in marnaba shir ay caalamka ku aaday aysan ku soo Khasaarin oo ay guulo ka keentay, waxaana ay xustay in wax badan ay ka qabatay siyaasadda dibadda oo ay soo celisay calaqaadkii Soomaaliya ay la laheyd wadamada Caalamka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com