War Xasaasi Ah: Raaskambooni Qadiim Oo Maanta Duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

0

raaskambooni JadiidKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta marki ay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ka dageen garoonka magaalada Kismaayo in ay duqeeyn xoogan loo geeystay garoonka diyaraadaha magaalada Kismaayo.

Wararka ay heshay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in Raaskambooni Qadiim oo ah garab ka barbar dagaalama maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ay ka dambeeyeen weerarki maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyada oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisi balaarnaa.

Falaagada Raaskambooni Qadiim ayaa waxa ay xiriir dhow leeyihiin maleeshiyada Raakambooni Jadiid oo uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo horay uga tirsanaa Raaskambooni Qadiim.

Raaskambooni Qadiim ayaa waxa saldhig wayn ku leeyihiin deegaanka Raaskambooni waxaana Hogaamiya Xasan Turki oo xidid ay yihiin Axmed Madoobe.

Xasan Turki iyo maleeshayadiisa Raaskambooni Qadiim ayaa waxaa dhaqaale gaaraya $ 40, 000 oo doolar bishii laga siiyaa canshuurta ka soo xaroota Dekedda magaalada Kismaayo, waxaana ay si toos ah iyo si dadbanba ugu sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo maadaama maleeshiyaadka Raaskambooni Jadiid ay yihiin kuwo badankood tirsan Raaskambooni Qadiim balse shaarka uun u badashay mashruuca Jubbooyinka.

Dhinaca kale waxaa jiray bilihii la soo dhaafay qilaaf ba’an iyo loolan siyaasadeed oo u dhexeeya horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Jadiid.

Waxaa sidoo kale xalay idaacada Radio Kismaayo ee magaalada Kismaayo ka hadlay Horjoogeyaasha Raaskambooni Jadiid oo u digay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo inay maanta guryahooda ka soo baxin “Qofkii gurigiisa ka soo baxa oo isaga oo jidka maraya ciidamada waxyeeleeyaan mas’uul kama ahan Horjoogeyaasha magaalada Kismaayo” waa sida ay hadalka u yiraahdeen’e.

Isku soo wada duuboo waxaa hadda dagan magaalada Kismaayo waloow aan la ogaan karin in caawa weerar Rogaal celin ah ay magaalada Ku soo qaadi doonaan maleeshiyaadka Raaskambooni Qadiim.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com