War Deg Deg Ah: Duqeyn Culus Oo Ku Socota Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Xili Uu Magaaladaasi Joogo Madaxweynaha Soomaaliya.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goordhaw Duqeyn culus lagu garaacay garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo xili goordhaw ay halkaasi ka dagatay diyaarad qaas ah oo waday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubno lasocday.

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyn loo maleenayo in ay geesanayaan falaagada Al-Shabaab ay iminka ku dhaceyso qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo banaankiisa.

Ciidamada Huwanta ah ee kusugan Garoonka ayaa iyaguna dhankooda ridaya Madaafiic iyo rasaas ay ugu jawaabayaan Kooxda Al-Shabaab oo loo maleenayo in iyagu ka dambeyso duqeynta.

Madaxweynaha iyo Wafdiga lasocda ayaa lasoo sheegayaa in xiligan kusugan yihiin Madaxtooyada Kismaayo , lamana oga wax qasaaro ah oo ka dhashay Duqeynta lagu soo garaacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Isku soo wada duuboo Dadweyne aad u fara badan iyo Masuuliyiin ayaa sidoo kale kusugan Garoonka kuwaa oo halkaasi u tagay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdiga lasocda .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com