Ciidamada Alfa Group Oo Buux Dhaafiyay Garoonka Magaalada Kismaayo.

0

alfa-group-3Kismaayo (AGGM): Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay Maanta barqanimadii gaareen qeeyb kale oo ka mid ah  ciidamadi faraha badanaa ee shalay tagay kuwaa ka tirsan ciidamada Alfa Group ee qeybta ka ah Ciidamada nabad sugida Soomaaliya.

Ciidamadan Oo tiradooda lagu sheegay 350 ayaa waxaa hor kacaya sarkaal Magaciisa lagu sheegay Bishaar Dheere, waxana sida aan wararka ku helayno ay isku fidiyeen inta u dhaxeeysa garoonka Kismaayo ilaa Xarunta Madaxtooyada Magaaladaasi.

Ciidamadan sida qaaska ah u tababaran ee lagu magacaabo Alfa Group ayaa horudhac u ah Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in maanta uu gaaro Magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa inoo xaqiijiyay in magaalada laga dareemayo teer iyo shalay dhaq dhaqaaqa Ciidamada Alfa Group, iyagoo si aad ah u sugaya amniga Magaalada isla markaana gaaf wareegaya xaafadaha ku dhaw dhaw garoonka diyaaradaha Magaaladaasi Kismaayo.

Madaxweynaha dowlada fedraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr mar baajiyay safaro uu ku tagi lahaa Magaalo xeebeedka Kismaayo taasoo caro xoogan ay ka muujiyeen Siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Sababaha ugu waa weyn ee soo da dajiyay safarka Madaxweynaha ayaa lagu sababeynayaa heshiiskii dhawaan dhex maray dowlada fedraalka iyo Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe,waxaana maanta la rajeynayaa in kulamo uu madaxweynaha la yeesho dhinacyadii ku hardamay Magaaladaasi.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa xalay ka dagan sidii ay ahayd habeenadii hore kadib markii habeenadi la soo dhaafay ku socdeen weeraro ay ku soo qaadeen maleeshiyada falaagada Al Shabaab Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com