Qalabkii Iyo Gaadiidkii Shirkada Soomali-Airline Oo Gacanta Ugu Jira Beesha Wacaysle.

0

somali airlinesLaga soobilaabo Xiligii Bur-burka sanadkii 1991 ayaa dalkeena waxaa kadhacay dhibaatooyin farabadan oo ay kamid tahay Bililiqaysiga Hantida Dawladda iyo mida Shacbiga intaba,waxaana ugu baaxad weynaa hantida dalka laga bililiqaystay Gaadiidkii Badda & Midkii Hawada.

Gaadiidka Badda ayaa waxaa Dawladda Soomaliya raadisay Tiro 4 jeer waxaana markasta shacbiga Soomaliyed ay maqlaan waxaa lasoocelinayaa Maraakiibtii dalkeena. Waxaana weli lamaqal in lasoocelinayo Gadiidkii iyo Weliba Qalabkii ay ku hawlgeli jirta shirkada Soomali-Airline oo gacantiisa uu ku bililiqaystay Gudoomiyihii Shirkadaasi Maxamed Maxamud Guuled,wuxuuna sandkii 2000 dalka Djabuti Kagadhawaaqay inuu hayo 3 Diyaaradood & 200.000.000 doolar hadii ladoortana uu soocelin doono.

Waxaana xiligaan Magaalada Muqdisho kajirta Arin laxariirta Dhismayaal ay leedahay shirkada Soomali-Airline oo ay kujiraan shacbi iyo Shaqsiyaad Madax ah kunayaala kasoo horjeedka Airporka Muqdisho, waxaana jira Amar kasoo baxay Madaxda dawladda oo lagu amray in Laga saaro shirkada warbahinta Shabbelle,balse ay weli kusugan yihiin dhamaan dadkii kale oo halkaasi kusugnaa.Arinta weerarka shirkada Shabeele ayaa u muuqata mid ay muujinaysa dano siyaasaded oo aan kala cadayn cida ay dani ugu jirto.waxaana dadka kafaalooda arimaha Murugsan ee Soomaliya ay kumacneeyen inay jirto guux laysla dhexmarayo oo ay Beesha Madaxweynuhu kudoonayso inay kula wareegto dhismayaal farabadan oo markii hore gacantooda kamaqnaa.Sida Bacadlihii Degmada Xamarweyne,Guryaha Bank-Dhexe, Guryaha Wasaarada Kaluumaysiga iyo kuwo kale oo farabadan.Madaxweyne Hassan sheekh Maxamud ayaa xili uu lahadlayey Odayaal Beeshiisa ah Bishii julay 16 wuxuu u sheegay inaysan jiri doonin in Qoysas badani Xamar isla sheegtaan ,waxaana kusoocelinaynaa sidii uu ahaa xiligii 1950.

Hadaba Xukunka Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamud Manoqon doonaa mid sida loo shegay u hirgeli kara,waxaana Khasab ah inay dhacayaan dagaalo faraha looga gubto una dhexeeya dadka degan magaalada Muqdisho markale hadii ay xaaladu sidaan iyo si lamid ah Kusii socoto, waxaana hada Buunka colaadaasi Garaacaya kooxda Damuljadiid oo dadka Muqdisho ay u bixiyeen Qabiil-Jadiid. Bulshada Kudhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soodaashaday dagaalo iyo ficilo foolxun oo kadhigay kuwo aan aayahooda katashan karin,waxaana haddaa marlabaad soo muuqda dareen iyo saan-saan colaaded oo ay hurinayaan rag aan xilkas ahayn oo weliba qaangaaray xiligii ay colaaduhu jireen.Hadaba waxaan kutalinaynaa inaan dadka shacbiga lagu kalatakoorin xukunka oo aan qaarna loodhiibin buleeto gaduudan oo ciday rabaan ay kuxukumaan qaarna aan laga dhigan wado lamaro.

Bur-burinta Idaacada Shabeele ayaa waxaa soodhaweyey shaqsiyaad ay iskuhayb-yihiin Madaxweyne Hassan Gurguurte iyo Gudoomiye Tarsan oo Markiiba u mahadnaqay ragii hawshaasi fuliyey kuna tilmaamay Geessiyaal Qaran oo gutay hawshoodii.Waxayna arimahaasi kutusayaan sida ay weli u jirto colaadii u dhaxaysay Beelaha dega Magaalada Muqdsho, waxaana suurogal ah in marlabaad ay soo noqoto khadkii Cagaarnaa oo Qoys weliba kulaabto halkii uu kusugnaa kahor sanadkii 2006 oo ahayd xiligii ay Maxaakimta Islaamigu iskufureen Magaalada Muqdisho,si kastaba Burburinta Shirkada Warbaahinta shabelle iyo Haysashada Hantidii shirkada Somali-Airline Mudane Guuled waxay u egtahay Gurbaanka Gacalkaygaa ii haya sidaan rabana waan u garaacanayaa waxaase lahilmaamay dhibkii kagaaray ragii sidaas oo kale u fekeray sanadihii 1980 wixii kadanbeeyey oo kuwaas oo ahaa Qoyskii Marxuum Maxamed S.Barre.

Isku-soo wada duuboo waxaan kadhursugaynaa sida ay u saamayso xukunka Madaxweyne Gurguurte Burburinta Idaacada Shablle.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan
shacbaan5@hotmail.com

Qoraalkan waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikirka warbaahinta Allgalgaduud Media, fadlan waxii dhaliil ah amaba amaan ah kala xiriir qoraha qoraalkan emailkiisa. shacbaan5@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com