Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo shalay oo Talaado ahayd ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.
Madaxweynaha ayaa tacsida u diray afhayeenka baarlamaanka, xildhibaannada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana uu Jannada Eebbe ka waraabiyo.
Afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa guddi qaran u saaray aaska marxuumka oo la filayo inuu dhowaan ka dhaco magaalada Muqdisho.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com