Nairobi (AGGM): Taliyaha Ciidamada Kenya Julius Karangi, ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay 2 kamid ah Ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii Westgate Mall, kuwaasoo lagu helay danbi ah ineey dhac ka geysteen Xaruunta Ganacsi intii uu socday Howlgalka.
Julius Karangi, ayaa dhanka kale dafiray ineey jireen Askar farabadan oo boob ka geystay Xaruunta Ganacsi, waxaana uu sheegay In Saxaafada ay buun buunisay arintaas.
Qaar kamid ah Warbaahinta Dunida, ayaa soo bandhigay Muuqaalo muujinaya Ciidamada Kenya ee ka qayb qaatay Howlgalkii Westgate oo Baco waa weyn ku guranaya Alaabtii taalay Xaruunta.
Gen Karangi, ayaa sheegay in Ciidamada ay qaateen Biyo ay cabaan oo kaliya, amarkaasna uu isaga bixiyay maadaama Ciidamada ay aad u oomanaayeen, laakiin waxa u qiray in la qabtay 2 kamid ah Ciidamada oo wata Mobelo iyo Kaamirooyin ay Xaruunta ka xadeen.
In badan oo kamid ah Milkiilayaasha Xaruunta Ganacsiga Westgate Mall, ayaa shegay in intii uu Howlgalka socday la boobay Xaruumahooda.
Al-shabaab, ayaa iyagu sheegtay weerarkaas, oo ay ku naf waayeen 70 qof, waxana Ragii meeshas weeraray Tiradooda lagu sheegay 4 qof.
Doowlada Kenya, ayaan ilaaa iyo hada war cad kasoo saarin dhacdadaas, waxaana kasoo baxaya warar Isburinaya, markii ugu Horeysay waxay sheegeen in ay dileen dhamaan soo weerarayaashii Xaruunta, halka mar danbena ay sheegeen ineey Baxsadeen, oo ay ku baxsadeen Tubo qaada Biyaha.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com