New York (AGGM): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kordhinta Ciidamada AMISOM.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb geli doonta Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Aadan oo khudbad ka jeedin doonta.
Golaha ammaanka ayaa ka doodi doona qorshaha la xiriira hindisaha lagu kordhinayo Ciidamada AMISOM ee la doonayo in lagu gaarsiiyo 24-kun askari.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa dhowaan ku baaqay in la kordhiyo ciidanka AMISOM, lana siiyo qalab ay ku howl galaan sida diyaarado Helicopter ah.
Midowga Afrika ayaa dhowaan dalbaday in ilaa 6-kun askari oo dheeri ah lagu soo daro Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
17-kun askari oo ka socda ilaa shan dal oo Afrikaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira Al-Shabaab.
Tan iyo markii Al-Shabaab sheegatay weerarkii bishii hore Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, waxaa isa soo tarayay baaqyada beesha caalamka ee la xiriira in la xoojiyo ciidanka AMISOM, si Al-Shabaab uga saaraan dhulalka ay ku sugan yihiin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com