Daawo Sawirada: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeeyb Galay Dabaaldaga Sanadguurada 90aad Ee Dalka Turkiga.

0

tar1Istanbul (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabada xuska 90-aad ee Jamhuuriyada Uganda iyo furitaanka mashruuc wado tareen badda hoosteeda mara oo isku xiraya Yurub iyo Aasiya.

Munaasabadahan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, Afhayeenka Baarlamaanka Uganda, Madaxweynaha Turkiga Abadallah Gul, Ra’iisul Wasaaraha Japan, Madaxweynaha Romania iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahaa mas’uulka kaliya ee lagu sharfay inuu ka soo qeyb galo oo ka socday Afrika iyo dalalka Islaamka, taasoo muujineysa taageerada weyn ee uu Turkiga la garab taagan yahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku tilmaamay mashruucan loogu magac daray Marmaray uu yahay riyo, isagoo xusi in wadada tareenka ee badda hoosteeda mara uu isku xiri doono Yurub iyo Aasiya, iyadoo ay ku baxday lacag gaareysa 2.8-bilyan oo doolar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Khudbad taariikhi ah ka jeediyay Munaasabada xuska 90aad ee Jamhuuriyada Turkiga, isagoo ka sheegay xiriirka ballaaran ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa Tareenka badda hoostiisa raacay dhowr magaalo oo ku taal Turkiga oo uu Tareenkan mari doono, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Turkiga uu ku dhawaaqay in 15-ka maalmood lacag la’aan lagu raaci doono.

tar5 tar4 tar3 tar2 tar1 tar

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com