Brussels (AGGM): Dalka Belgium-ka maanta oo Arbaco ah 30-Bisha October waxaa maxkamad lasoo taagayaa Hogaamiye hore ooo ka tirsanaan jiray Burcad badeeda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan Afweyne iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey.
Labadaan ruux ayaa Dowladda Belgium dabin udhigtay,kadib markii loo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sameynta filim looga hadlayo Burcad badeeda Soomaalida, kadibna markii ay dalkaasi tageen xabsiga loo dhaadhiciyay.
Dowladda Belgium ayaa Maxamed Cabdi Xasan Afweyne ku haysata inuu qeyb ka ahaa Burcad badeed sanadkii 2009 Afduub kula dhaqaaqay markab laga leeyahay dalka Belgium.
Sida uu horay usheegay safiirka Midowga Yurub ufadhiya Dowladda Soomaaliya Dr Cali Fiqi maanta ayaa labadaan ruux maxkamada lasoo taagayaa, iyadoo ay jiraan qareeno udoodaya.
Qaar kamid ah ehelada labada ruux ayaa ku sugan dalka Belgium-ka iyaga oo si dhaw ula socda xaaladaha Afweyne iyo Tiiceey, oo Dowladda Belgium-ka uxiran.
Maxamed Cabdi Xasan Afweyne ayaa sanadkaan gudihiisa ku dhawaaqay inuu ka baxay Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida, wixi xiligaasi ka dambeeyay wuxuu ahaa ruux ganacsade ah sida masuuliyiin ay sheegeen.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xariga Tiiceey iyo Afweyne ayaa waxa ay ku tilmaamay mid aad looga xumaado, maadaama Afweyne uu horay usheegay inuu ka baxay Burcad badeeda Soomaalida.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com