Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Kormeeray Xarumaha Ciidankaasi.

0

gen saacidMuqdisho (AGGM): Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay howlgalo ka fuliyay Degmooyinka Gobalka Banaadir waxaana Howlgalkaa uu ahaa mid amaanka lagu xoojinayo sida saraakiisha Howlgalka fuliyay sheegeen.

Howlgalkaa ayaa lagu soo qab qabtay dad la aaminsan yahay in ay xariir la leeyahiin Ururka Alshabaab waxana dadkaan iskugu jiraan kuwa falal kala duwan ku eedaysan sida uu sheegay Sargaal booliiska Dowlada ka tirsan.

Howglka ayaa waxa bar bar socday Socdaal Booqasho ah oo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xakiin Daahir Saacid ku tagay Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Socdaalka Taliyaha oo xalay ku tagay Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa ah mid amaanka Degmooyinkaa ugu kuur galayay waxa uuna kor meerayay Howlgalada socda iyo qaabka booliiska u shaqa galayaan.

Hayeeshee booqashada kormeerka kadib ayuu saxaafada la hadlay waxa uuna sheegay in uu socdaalkiisa ugu kuurgalayay Xaaladaha amni ee Degmooyinkaa waxa uuna sheegay in uu tagay Degmooyinka Gobalka ka kooban yahay.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa socdaalkiisaa ku wahliyay Saraakiil kale oo Ciidanka Booliiska ka tirsan waxa uuna warbixina kala duwan ka dhagaystay Xarumaha Booliiska Degmooyinkaa Gobalka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com