Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nur Tarsan ayaa si cad oo bareer ah waxa uu habaar ulla hor fadhiistay dariiqa hormara xarunti Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed X H K S.
Waxaa isweeydiinse mudan qaar kamid ah Mas’uuliyiinta dowladda ee cuqdada googooysay islamarkaana dhamaantood Kacaanki Barakeysnaa wax soo baray aana qiri karin waxqabadkiisi iyo wanaagisii ee 24-ka saac ku rafta wax ka sheega Kacaanka Barakaysnaa ayaa waxaad moodaa wayahan dambe inayba dharki soo dhigteen, balse waa inay ogaadaan waxaa jooga Jiilki labaad ee Kacaanka barakeysnaa oo dharka idiin xiraya haddii loo baahdo.
Soomaaliya 22 sano ayay waxay ku jirtay burbur baahsan oo soo gaaray dhamaan ummada Soomaaliyeed, ninka 22 sano kadib Kacaanki wax ka sheegaya soo lama oran karo waaba nimaan ogeeyn geeridi Rasuulka CSW, sababtoo ah Gudoomiye Tarsan waxa uu ka tirsanaa ciyaalki kuleejooyinka ee uu kacaanki Quraacda, Qadada Iyo Cashada siin jiray islamrkaana wax soo baray isagoo og wax qabadkiisina inuu ssidan u hadlo soo muujin meeyso inaan dadka Soomaaliyeed weli caqli iyo cilmi u kordhin, Nabaduna Fogtahay ceelna lagu sii ridayo?
Gudoomiye Tarsan “22 sano kadib wax dhaama Kacaanki miyaad heeysaa oo aad ummada Soomaaliyeed u sheegeeyso amaba aad ka gadeeyso?” mise waxaad guul, sharaf iyo horumar u aragtaa halka maanta uu marayo dalkeena”?
Gudoomiye Tarsan “Ma waxaad guul u taqaan mooriyaanta diiratay amaba iibsatay Qaranki iyo magaci Soomaaliyeed sida USC, SSDF, SPM IYO SNM”?
Gudoomiye Tarsan ma waxaad guul u taqaan fiilooyinki, baalayashii, taalooyinkii, isbitaaladi, iskuuladi, iyo xafiisyadi dowladda ama wax alle waxii qaranka iyo dadkaba lahaa ee adeega bulshada ahaa kuwa burburiyay ee diirtay?
Gudoomiye Tarsan ma waxaad guul u taqaan 18 dagmo ee gobolka Banadir 2 dagmo mooyee inta kale inay gudoomiyeyaashood yihiin hal beel ?
Gudoomiye Tarsan ma waxaad guul u taqaan taangiyada Ugaanda iyo Brundi ee hortaagan wasaaradi Gaashaandhiga Soomaaliya?
Gudoomiye Tarsan ma waxaad guul u taqaan iyo waxqabad dalka Soomaaliya in Itoobiya iyo Kenya ku baratamaan? Su’aalahaas jawaabtooda waxaa laga doonayaa inay ka jawaabaan gudoomiye Tarsan iyo kuwa ku caqliga ah ee sheeganaya inay yihiin Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.
Tarsan ayaa waxa kale oo uu hilmaamay dhidibada ay dowladdan hadda jirataahi ku taagan tahay in ay tahay qaar kamid ah dhidibadi Jiilki labaad ee Kacaanka Barakeysnaa, waqtigaan doonana aanu qaadan karno amaba siiban karno.
Waxaad moodaa dadku in uu weliba waagaba u baryin, balse aanu hurdada ka kicino oo aanu waxbarno dadka u fakara ama u hadla sida Gudoomiye Tarsan iyo kuwa lamidka ah,”Kacaanki waxaa wax ka sheegi kara shaqsigi ama dowladdi wax ka wanaagsan waxqabadkii Kacaanka qabta amaba qabata ama keenta” ee waxba kama uu sheegi karo nin sacabada hoorsada asaagi, islamarkaana aan xor ahayn, xornimadana u yaqaan inuu Soomaalida iyo arrimaheeda ku wareego ee dadnimada ka tagto marki laga hadlayo Qadiyada Soomaalinimo iyo danta dalka iyo dadka.
Gabagabdi qoraalkan waxaan digniin ugu dirayaa kuwa Kacaanka aflagaadeeyo, Walaahi haddaad dib dambe adinka oo sheeganaya Mas’uuliyiin dowladdeed Kacaanki wax ka sheegtaan ceebtiinaan banaanka soo dhigeynaa oo dharkaanu idinka siibeeynaa ee dhar idiin xiri meeyno.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com