Dhagayso: Afhayeenka Maamulka Madaxweyne Bare Hiiraale ” Kama Qaybgalayno Shirka Muqdisho, Kismaayana Waan Weerareynaa”.

0

hiiraaleGoobweeyn (AGGM): Wararka naga soo gaaraya deegaanka goobweeyn ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka socdaan qabanqaabo dagaal oo ay wadaan maamulka madaxweyne Bare Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Afhayeenka maamulka  madaxweyne Bare Hiiraale, Xasan Qaasim Warsame ayaa waxa kale oo uu sheegay inaysan jirin ciidamo isu diibaya amaba hoostagaya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaasna ay yihiin riyo.

Sidoo kale waxa uu afhayeenku sheegay in aysan shirka ka furmaya magaalada Muqdisho 2-da bisha November ka qeeybgali doonin maadaama horey loo baajiyay waqtigii la qabtay inuu shirka dhacayo, ayna jirin cid ay u wakiisheen shirkan dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho,

Halkan Guji Kana Dhagayso Afhayeenka Bare Hiiraale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com