Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo falaagada Al-Shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayen dhawaqa madaafiic xoogan oo dhinacyada dagaalamaye ay isweydaarsanayeen, inkastoo aan lasoo sheegin khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidamada Kenya ee fariisinka ku leh Garoonka Kismaayo ayaa ku jawaabaye madaafiic culus iyadoo maleeshiyaadka falaagada Al-Shabaab ay dhankooda ridayeen madaafiicda garbaha laga rido.
Sidoo kale waxaa la sheegay in xalay Xaafada Guulwade ee Magaalada Kismaayo bam gacmeed lagu tuuray maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana halkaasi ku dhaawacmay hal nin oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Falaagada Al Shabaab ayaa mar walbaa weeraro ku qaada Garoonka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ciidamada Kenya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay fariisin ku leeyihiin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com