Daawo Sawirada: Kooxda Soomaaliya Oo Ka Adkaatay Kooxda Zambiya.

0

somPerth (AGGM): Iyadoo magaalada Perth ee galbeedka dalka Australia uu ka soconayo tartanka Perth World cup 2013 ayaa cayaartoyda dalka Soomaaliya u meteleysa tartankaasi waxay gaareen guul weyn,kadib markii ay garaaceen dhigooda Zambia oo ay kuwada jiraan Group-ka B.

Ciyaaryahanada ku ciyaaraya magaca Soomaaliya ayaa kulankii koowad si dirqi ah 1-0 looga badiyey markii ay la ciyaareen kuwa Brazil oo dadkii daawanayey kulankaasi ay khireen in Somalidu u qalmeen inay guuleystaan ciyaar wanaagii ay soo bandhigeen marka la eego.

Kulanka Somalia ay kala hortagtey Zambia ayaa waxaa uu ku bilowdey dar-dar weerar iyo weerar celis iyadoo Tababare C/Xakh uu saxaafadda dalka Austrelia u sheegay in kooxdiisu aad u diyaarsan tahay ayna guul ka rajeynayaan guud ahaan kulamada Groupka ee haray.

Daqiiqadii 13-aad ee qeybta hore ayaa xidigaha Soomaaliya u suurta gashey inay helaan Gool, kaasi oo uu saxiixey ciyaaryahanka khadka dhexe oo lagu naaneyso Medamo,laakiin isla qeybtii hore daqiiqadii 35-aad ayey Zambiyan-ku heleen goolkii bareejada oo 1-1 ayaa lagu kala nastay qeybta hore.

Markii dib loo soo laabtay ayuu tababare Cabdull-Xakh oo la tashanaya Team Manager Ibraahim Axmed wuxuu sameeyey bedel,isagoo soo geliyey ciyaaryahan weerarka ka dheela oo lagu magacaabo Ayaanle kaasi oo daafacyada Zambia celin waayeen ilaa ay ku jalaafeen diilinta ganaaxa dhexdeeda,sidaasina gool-ku laad ay heleen Somaliya waxaa Gool u bedelay ciyaaryahan C/laahi Salaad oo katirsan ciyaaryahanada dheesha horyaalka sare ee A-league.

Intaasi wixii ka danbeysey oo ay xidigaha Somaliya hogaanka u hayeen ciyaarta,ayaa waxaa daqiiqadii 68-aad goolkii 3-aad u saxiixey Ayaanle oo halkaasi ku rafiyey daafacyadii xooga badnaa ee Zambia,oo ugu danbeyntiina dhamaadkii kulanka goolkii 4-aad uu ka xareeyey xidigii bilaabay goolasha ee Medamo sidaasina Somaliya 4-1 kaga adkaatey Zambia kulankii 2-aad ee tartanka caalamiga ah ee Perth Soccer World Cup 2013.

Gudoomiyaha Xulka Somalia Ibraahim Axmed ayaa dhamaadkii ciyaarta saxaafadda u sheegay in guushan ay bilow u tahay dadaalka ay doonayaan inay koobka ku qaadaan oo ay soo gaaraan kama dambeysta tartanka,isagoo u mahadceliyey una hambalyeeyey dhamaan Soomaalida ku nool gudaha Austrelia iyo caalamka intiisa kale oo guushaasi la qeybsanayaan.

“Kooxda waxaa leylinaya Manager fiican oo heerka ugu sareeya gaarsiiyey kooxo dhowr ah,anigana hore sanadkii 2009 ayaan la shaqeeyey oo aan u ahaa ku-xigeen xiligaa oo aynu ku guuleysaney qeybta juniorka oo Somaliya qaadey koobkii a waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysano hadii eebe uu aqbalo”ayuu raaciyey.

Xidigaha Somaliya oo iminka 3-dhibcood leh,ayaa kulankooda ugu soo horeeya waxay 5-ta bisha November la yeelanayaan Xulka Chile,iyadoo dalalka Seria Lione,Italia,Greece,Croatia iyo dalal kale ay ku jiraan Group-ka.

som

som5 som6 som3 som4 som1 som2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com