Muqdisho (AGGM): Kulanka Baarlamaanka ee Maanta waxaa shir Gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyadoo furitaanka kulanka uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi sii gudagalay ka jawaabida su’aallo ay maalinnimadii shalay weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka, Wasiirkana Jawaabaha qaarkood waxa uu u cuskaday Dastuurka KMG-ka ah ee Dalka.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo iyaguna ka hadlay kulankii maanta ayaa weydiiyey Wasiirka su’aallo la xiriira heshiiskan ay Xukuumaddu la gashay shirkada FAVORI ee dalka Turkiga waxaana su’aallaha iyo aragtiyada Xildhibaannadu badankood ku qotomeen dhaqaalaha ku baxaya dib u dhiska Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, canshuur dhaafka loo sameeyay shirkadda, dukaammada laga dhisayo garoonka iyo arimmo kale.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka jawaabayay su’aallaha ay Xildhibaannadu weydiiyeen ayaa jawaab celin ka dib tilmaamay in Xukuumaddu leedahay hirgalin ama saxiixid heshiis ay u aragto danta dalka iyo dadka inay ku jirto, Baarlamaankana uu leeyahay awooda ugu dambeysa.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo soo xeray fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa tilmaamay in maalinnimada berito ah ay sii ambaqaadi doonaan Xildhibaannada su’aallo weeydiinta Wasiir Ciilmooge.
21-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka harsan weli tirada mudanayaasha Baarlamaanka ee iyagu isku qoray iney su’aallo weeydiiyaan Wasiirka Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayadoo tanina ay muujineyso sida Xildhibaannada Golaha Shacabku u daneynayaan iney ogaadaan gunta heshiiskaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com