Muqdisho (AGGM): Falaagada Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal habeen hore ka dhacay deegaanta Taabto ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Sierra Leone ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.
Horjoogaha Falaagada Al-Shabaab ee Jubooyika C/raxmaa Xudeyfa ayaa sheegay in weeraro ay ku ekeeyeen ciidankooda fariisimo ay ku lahaayeen Ciidamada Sierra Leone deegaanka Taabto.
“Shan askari oo Sierra Leone ah ayaa ku dilnay dagaal ka dhacay Taabto, Mujaahidiinta waxay weerar ku mireen fariisimaha cadawga”ayuu yiri Horjoogaha Falaagada Al-Shabaab ee Jubooyinka.
Waxaa uu sheegay in weerar kale ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo saldhig ku leeyihiin Ciidamada Kenya.
Ciidamada ka socda Sierra Leone oo gaaraya hal batalyan ayaa ku sugan deegaanka Taabto iyo duleedka Kismaayo, waxaana Sierra Leone ay tahay dalkii shanaad oo ciidamo u soo diray Soomaaliya.
Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com