Wariye Tima Cade Oo Xalay Geeriyooday Saakana Lagu Aasay Magaalada Muqdisho.

0

wariye-Timacadde1Muqdisho (AGGM): Wariye Max’ed Max’ud Tima Cade oo indhawaanahaanba lagu dabiibayay Dhaawaciisa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kadib weerar dhawaan ay ku qaadeen dableey Hubeysan ayaa Xalay u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Allaha u Naxariistee Max’ed Max’ud Tima Cade ayaa ka howl galayay Tv-ga Universal kaasi oo Wakiil uga ahaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Geerida Wariye Tima Cade ayaa waxaa Wakaaladda Wararka ee Warqaad u xaqiijiyay Nuux Muuse Birjeeb oo Saaxiib dhow ay ahaayeen Allaha u Naxariisto Tima Cade.

Dhinaca kale waxaa saaka magaalada Muqdishu lagu aasay Allah ha u naxariistee weriye maxamed maxamuud Timacadde, oo xalay ku geeriyooday Isbital Madina ee maagaalada Muqdishu.

Aaska weriye Tima-Cadde ayaa waxaa ka qeyb galay weriyeyaasha ku nool magaalada muqdishu iyo dad shacab ah.

Aaska weriyaha ayaa waxa uu ka dhacay qeybta qabuuraha ee isbitaal Madina.

Geerida weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde ayaa waxaa wax laga xumaado ku tilmaamay bahda warbaahinta Soomaalida ee ka howl gasha gudaha iyo dibadda waddanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com