Maxamed Ugaas Xaashi Oo Dhiigi Sade Ku Doorsaday Gaari Macmal Ah Oo Jooga $7000 Oo Doolar.

0

maxamed-ugaas-xaashiKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Ugaas Xaashi uu dhiigi Sade ku doorsaday gaari macmal ah oo jooga $ 7000 oo doolar.

Maxamed Ugaas Xaashi ayaa sida la sheegayo gaarigaas waxaa lagu gudoonsiiyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana gudoonsiiyay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Gaarigan Maxamed Ugaas Xaashi la gudoonsiiyay ayaa waxa uu ahaa Macmal (Second Hand) waxaana laga soo gaday magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gaarigan la gudoonsiiyay Maxamed Ugaas Xaashi in ay isla goobti lagu gudoonsiiyay ku dhaceen wiilal dhalinyaro ah oo ila haatan aan la ogeeyn halka ay la adeen gaarigaas.

Maxamed Ugaas Xaashi ayaa waxa uu goobjoog u ahaa dhamaan dhacdooyinki foosha xumaa ee ka dhacayay magalaada Kismaayo ee isugu jiray Dil, Jirdil, Dhaca hantida shacabka, Kufsi, Barakicin, ilaa haddana lama arag meel uu uga hadlay dhacdooyinkaas uu goobjoogaha uu ka ahaa.

Waxa kale oo la sheegayaa in Maxamed Ugaas Xaashi “Sabeen” la Siiyay taa oo aynaan garan ilaa hadda waxa ay tahay iyo waxa ay ka turjumeeyso.

Isku soo wada duuboo Maxamed Ugaas Xaashi ayaa waxa uu u muuqdaa mid aan wax raja ah ka qabin inuu dib ugu  nolaado deegaanada ay dagaan beesha Sade, sida muuqatana xaalada Kismaayo kadib waxa uu dib ugu soo laaban doonaa dalka Canada oo uu qaxooti ku ahaan jiray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com