Kulan Jaaliyada Beesha Beesha SADE Oo Ku Soo Dhamaaday Magaalada Gent Ee Dalka Belgium.

0

photo 3Gent (AGGM): Kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Jaaliyada beesha SADE ee ku dhaqan xarunta midawga reer Yurup ayaa waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Gent ee wadankan Belgiumka.

Kulankaas ayaa waxaa lagu falanqeeyay arrimo badan oo la xiriira dhinacyada dhaqanka, siyaasada, waxbarashada, caafimaadka iyo sidii loo middeyn jaaliyadaha beesha SADE ee qaaradan Yurup iyo arrimo kale oo la xiriira arrimaha dibada ee ay beeshu leedahay.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay xubno kala duwan oo isugu jiray Odayaal , dhalinyaro , Aqoonyahano waxaana dhir guddoominayay wakiilka Ugaaska Beesha SADE Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ee midawga Yurup Maxamud Sh Daahir Cali Ciye.

Kulankan ayaa waxaa saacado badan waxaa xubnaha beesha SADE ay ku falanqeeyeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen taabagelinta waxbarashada ay helaan jiilka yar yar ee ku dhaqan dhulalka aysan ka jirin adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka markaas kaddibna waxaa xubnuhu ay sheegeen in guddi ay dhiseen oo ka kooban odayaal ay si toos ah ula shaqeyn doono xubno kale oo guddiyo ah oo laga qabtay 11 dal oo qaaradan Yurup ku yaalla, kuwaas oo middeyn doona jaalliyadaha beesha SADE ee Yurup oo ay looga fadhiyo inay wax ka qabtaan arrimaha kor ku xusan.

Wakiilka Ugaaska Beesha SADE Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ee midawga Yurup Maxamud Sh Daahir Cali Ciye ayaa waxa uu sheegay in jaaliyada SADE ee dalkaan Belgium ay sii ambaqaadi doonaan taabagelinta qorshayaaasha ay beeshu hiigsanayaan oo ay ugu weynihiin helitaanka waxbarasho, caafimaad iyo biyo nadiif ah, ayna dhaqaalle ahaan ku dhiiran doonaan in wixii ay awoodaan ay ka qaban doonaan.

Jaalliyada ayaa waxaa sidoo kale kulankooda uu ahaa mid ay ku kala war-qaadanayeen masuuliyiinta Jaaliyada Beesha SADE ee ku nool magaalooyinka kala duwan ee dalkaan.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay xubno kala duwan oo kamid ah dhalinyarada jaaliyada beesha SADE oo si weyn u taageeray qorshaha ay beeshu hiigsanayso in ay taabageliso, waxayna sidoo kale dhalinyaradu ay qeyb muhiim ah ka noqdeen guddiga hormuudka u ah howlaha beesha warqabadkeeda ah.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii kusoo dhamaaday jawi aad u dagan, qeybaha kala duwan ee beesha ayaa isku raacay in ay laga maarmaan tahay in la adkeeyo midowga Beesha, lagana shaqeeyo hormarinta iyo nabadeynta deegaanada ay Beesha SADE ka degto ee gobolada dhexe, iyo Jubbooyinka, iyo sidii loo dhisi lahaa dib u dhisna loogu samayn lahaa goobaha ay beeshu degto.

Jaaliyada Beesha Sade ee dalkan ayaa waxaa ay baaq nabadeed u direen dhinacyada dhawaan ku dagaalamay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Jaalliyadu waxa ay sheegtay in xiligan aan loo baahnayn in colaad sokeeyo, mid siyaasadeed iyo mid mabda’ la kala dhex dhigo beesha, taas oo ay ku waxyeeloobi karaan dad aan waxbagalabsan. Waxay sheegeen in dadka gobolka Gedo ay u baahanyihiin in laga caawiyo sidii loo adkeyn lahaa nabadda, si wada jir ahaana looga hortago ciddii carqaladeynaysa amniga.

photo 4 photo 3 photo 2 photo 1

Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud/ Alinur Omargows Jama
Antwerpen, Belgium

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com