Falaagada Al Shabaab Oo Haween Ka Afduubtay Deegaanka Buur-Dhuxulle Ee Gobolka Bakool.

0

shabaab haween afduubtayCeelbarde (AGGM): Wararkanaga soo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ku afduubteen sadex haween ah deegaan hoos taga degmada Ceelbarde oo lagu magacaabo Buur-dhuxulle.

Falaagada Al Shabaab ayaa maamusho oo gacanta ku heysa inta badan deegaannada ka tirsan gobolka Bakool, waxaana deegaannadaas ka dhaca dagaalo u dhaxeeya ciidamad dowladda iyo Al Shabaab.

Mid ka mid ah odayaasha deegaannka ayaa warbaahinta u sheegayin maleeshiyada ay kaxaysteen haweenka oo ay tilmaameen in ay qabeen rag ay ku sheegeen in ay diinta ka laabteen.

Wuxuu sheegay in maleeshiyada haweenka kaxaystay ay ku andacoodeen in ay bannaan tahay tallaabada ay kula dhaqaaqayaan haweenka xaasaska ah.

Waxaa uu sheegay odayga ka tirsan waxgaradka degmada in dadka deegaannka dhibato xoog leh ku qabaan falalka xad-gudubka ah ee ay maleeshiyadu gaysato.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com