Falaagada Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Qooqaani Iyo Qasaare Ka Dhashay.

0

shabaab123Kismaayo (AGGM): Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in habeenimadii xalay dagaalo ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaasi oo lala eegtay fariisimo ciidamada Kenya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku leeyihiin.

Dagaalka koowaad ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo la sheegay inay weerar ku qaadeen faalaga Al Shabaab.

Wararka dagaalkaasi ayaa intasi ku daraya inaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo Alshabaab ay deegaanka ku qaadeen, waxaana jirin war kasoo baxay labada dhinac.

Sidoo kale sida laga baahiyay Idaacada ku hadasha afka falaagada Al Shabaab ee Andulus ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com