Muqdisho (AGGM): Dowladda dalka Uganda ayaa si cad isku hortaagtay ama uga hortimid baaritaan la doonayay in lagu sameeyo saraakiil ka tirsan ciidamada ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaas oo ku howl-gala magaca AMISOM waxaana lagu soo eedeeyey inay hub iyo saanad kale ka iibiyeen ururka Alshabaab.
Sarkaal u hadllay dowladda Uganda ayaa sheegay in marnaba baaritaan lagu sameyn doonin saraakiiishan, madaama ayuu yiri cadayno muuqda u haynin eedeeymaha loo soo jeediyay saraakiisha dalkeeda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Sarkaalka ayaa intaa raaciyay ama ku darray in saraakiisha ciidankeeda ee lagu soo eedeeyey in hub iyo saanad kale ay si qarsoodi ah uga iibiyeen ururka Al Shabaab aysan dowladda Ugaanda cadaymo rasmi ah u haynin dambiga lagu soo eedeeyey Islamarkaaneb aysan maxkamad soo taagi karin dowladdu Ugaanda.
Bilhii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa soo baxayay eedeymo culus loo jeedinayay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kuwaa oo qaarkood la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab islamarkaana si qarsoodi ah u siiyaan hub iyo saanad militari.
Dowladda Ugaanda ayaa ka qayb ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo gudaha Soomaaliya ku sugan waana dowladda ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com