Dhageyso: Afhayeenka Al Shabaab “Anaga Iyo Bare Hiraale Wax Xiriir Ah Malihin”.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa beeniyay warar sheegaya inuu xiriir u dhaxeeyo iyaga iyo Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo dagaal looga soo saaray Kismaayo.

Cali Dheere oo ka hadlayay Dood ka baxeysay Qolka Paltalk ee loogu magac daray Somali Islamic Dacwatu Towxiid ayaa ku tilmaamay wararkaas kuwo been abuur oo barobagaan ah.

“Ma jiro wax xiriir ah oo noo dhaxeeya anaga iyo Barre Hiiraale, waxaa ogeyn asigii ka mid ahaa Ridada, meel uu ku towbad keenay ma ogeyn iyo Media laga maqlay, marka warkaas waa been oo barabagaan ah”ayuu yiri.

Dhawaanahan ayay ahyd marki horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu idaacadaha ka sheegay in Bare Hiiraale iyo Al Shababa ay xiriir leeyihiin, balse warkan ka soo yeeray afhayeenka guud ee falaagada Al Shabaab ayaa waxa uu dhabarjab iyo wajigabax ku noqonayaa horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo iyagu horey uga tirsanaa ururka argagixisada ah ee Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo Afhayeenka falaagada Al Shabaab ayaa warkaasi waxa uu ku timaamay  mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Halkan Guji Kana Dhageeyso Afhayeeka Falaagada Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com